Image result for Giroud and Wenger

(London) 12 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ayaa soo muujiyay jacaylka uu u qabo weerar yahanka reer France ee Olivier Giroud.

30 jirkaan ayaa xalay guul ku hogaamiyay Gunners xili badal lagu keenay qaybtii dambe ee ciyaarta, wuxuuna farta ka saaray kooxdiisa 3-da dhibic ee ciyaarta.

Wenger ayaa sheegay in Giroud uu yahay laacib uu jecelyahay shaqsi ahaan, wuxuuna intaa ku daray in laacibku uu isagu diiday inuu katago Arsenal.

“Giroud waa laacib cajiib ah, waa shaqsi aan jeclahay dadnimo ahaan, waxaan u ogolaaday inuu baxo laakiin wuxuu doortay inuu sii joogo, ana waxaan go’aansaday inaan sii haysto” ayuu yiri Wenger.

“Ma jirto haatan fursad Giroud uu uga tagi karo Arsenal ka hor inta uusan xirmin suuqa, waxaa ka go’an inuu la sii joogo kooxda” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR