Kooxda Barcelona ayaa marka dhinac laga eego war wanaagsan ka helaysa hadal haynta ah in kulanka horyaalka La Liga ee El-Classico dib loo dhigi doono kaddib xasilooni darrada ka jirta gobolka Catalonia.

Kulankan ayaa ah mid lagu balansanaa marka hore gegida Camp Nou marka ay taariikhdu tahay 26-ka bishan October balse xaalka ayaa haatan ah mid laga deyrinayo iyadoo la hadal hayo in taariikhda kulanka ama gegida lagu ciyaarayo midkood la bedeli doono.

Labada kooxood ayaa si wada jir ah uga soo horjeedsaday go’aanka ah in Camp Nou laga soo wareejiyo kulankaas isla markaana Santiago Bernabeu lagu wareejiyo balse waxa wali meesha taala aragtida ah in taariikhda la bedelo.

Taarikhaha la isku hayo oo u badan bisha December ayaa ah kuwo wanaag ku abuuraya Barcelona gaar ahaan da’yarkeeda Ousmane Dembele kaas oo kulankan ganaax ku seegayay.

Sababta farxada Dembele ayaa ah in labadii kulan ee la ganaaxay ee uu El-Classico ku jiray haddii dib loo dhigo kulankaas uu mid kale seegi doono diyaarna uu u noqon doono wajahista Real Madrid.

Dembele ayaa ugu horreynba seegaya kulanka toddobaadkan ee ay Barcelona la yeelanayso Eibar oo marka horeba ahaa kulanka uu ganaaxiisu ka bilaabmayay.

Kulanka labaad oo ahaa midka El-Classico ayaa haddii rasmi laga dhigo in dib loo dhigay uu Ousmane kulankaas bedelkiisa seegi doonaa midka 29-ka bisha ay Barca la yeelanayso Real Valladolid.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR