Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarineyso dalab £ 130m ah oo ay ka gudbiso weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio.

Asensio ayaa noqday ciyaaryahan Real Madrid ah sannadkii 2014, laakiin xiddiga reer Spain ayaa amaah ugu dhaqaaqay kooxaha Mallorca iyo Espanyol ka hor inta uusan ku laaban Madrid bilowgii xilli ciyaareedka 2016-17.

21-sano jirkaan ayaa dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan, waxaana Los Blancos xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uu ka caawiyay saddex gool sideed kulan oo uu saftay Champions League.

Asensio ayaa sidoo kale xulkiisa Spain ee Under 21-kala qeyb galay tartanka European Championships horaantii xagaagan, iyadoo weeraryahanka uu dhaliyay goolal muhiim ahaa.

Sida laga soo xigtay Don Balon, PSG waa kooxda kaliya ee la wareegi karta xiddiga talantiga leh ee Real Madrid, iyadoo kooxda ka dhisan Faransiiska ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan £ 130m.

 

Asensio ayaa kusoo bilaawday 11 kamid ah 38 kulan oo Real Madrid ka ciyaartay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR