Laacibka kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa qirtay inuu koobkan adduunka uu noqon doono midkii ugu dambeeyay ee uu u ciyaaro xulka qaranka e France.

Pogba ayaa si aad ah uga cabanaya eedeymaha soo gaaraya iyadoo maanka lagu haayo inuu horraan cadaadid badan kala kulmay kooxda kubadda cagta ee Manchester United maamulaheeda Jose Mourinho.

Xiddiggan ayaa qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa kusoo laabtay dhacdada koobka adduunka ee ka socda Russia, balse waxaa cadaadinaya jamaahiirta dalka France.

25-jirkan ayaa qirtay in kani uu noqon doono koobkii adduunka ee ugu dambeeyay ee uu ciyaaro, balse ma ahan hadal uu xaqiijiyay waxaana macquul ah inuusan sidaas go’aan haddii ay xaaladdu sidaas iska bedesho.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR