(Manchester) 11 Agoosto 2018. Laacibka khadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sababta hadalkii dhex maray isaga iyo Alexis Sanchez kahor inta uusan tuurin rigoorada laacibka reer France inta lagu gudi jiray kulankii Leicester City.

Manchester United ayaa guul 2-1 kaga gaartay dhigeeda Leicester City kulankii daah furka ee horyaalka Premier League, waxaana Red Devils goolasha u kala dhaliyay xidigaheeda Pogba iyo Luke Shaw.

Pogba ayaa u sheegay shabakada “Sky Sports” kadib ciyaarta hadalka dhex maray isaga iyo saaxiibkiis Sanchez, kahor inta uusan tuurin rigoorada.

“Ma heysano ciyaaryahan ku taqasusay tuurista rigoorayaasha, xitaa hadii uu macalinka magacaabo cida tuureysa”.

“Laakiin hada waxay wax walba ku xiran tahay heshiiska ciyaartoyda inta lagu jiro ciyaarta”.

“Waxaan ahaa mid ka mid ah magacyada tababaraha uu u xushay inay tuuraan rigoorayaasha, sidaasi darteed waxaan go’aansaday inaan kubada qaato, lakiin waxaa laga yaabaa inay haboon tahay in aan Sanchez kaga tago marka xigta, mana lahan wax dhibaato ah”.

Waxaa la arkayay kahor inta uusan Pogba tuurin rigoorada hadal dhex maray labada xidig, taasoo u muuqatay sida inuu jiray muran ku aadan tuurista rigoorada ee dhex maray xidigaha Sanchez iyo Pogba.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR