(Italy) 14 Sab 2018. Warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in Paulo Dybala uu ka tagi doono Juventus bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Warsidaha afka dheer ee The Mirror ayaa sheegaya in wiilka reer Argentina uu dalabyo ka helayo kooxo ka dhisan Premier League iyo La Liga.

Waxaa la sheegay in 24 jirka dhinac la isaga riixay tan iyo sidii ay Juventus adduun dhan 99 milyan kula soo wareegtay Cristiano Ronaldo.

Image result for paulo dybala with cristiano ronaldo

Dybala ayaa lagu soo bilaabay kulankii ugu horreeyay Serie A kal ciyaareedkan oo ay kooxdiisu la yeelatay Chievo balse 10-daqiiqo oo qura ayuu ciyaaray labadii kulan ee dambe.

Tababare Allegri ayaa ku heysta weerarka ah Ronaldo oo ka ciyaaraya dhanka Bidix, Mario Mandzukic oo ciyaaraya weerarka dhexe iyo Fernando Bernadeschi oo ka duulaya dhanka Midig.

Taas ayaana ka dhigtay Dybala inuu ku fikiro inuu isaga dhaqaajiyo Marwada Duqda ah marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Manchester United ay eeganeyso inay 107 milyan ugu dhaqaaqdo Dybala si ay ugu garaacdo saxiixiisa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR