(Liverpool) 13 Feb 2018 Philippe Coutinho ayaa dib ugu soo laabanaya Anfield bisha June kadib markii uu Barcelona ugu biiray 142 milyan oo Ginni suuqii Janaayo.

Xiddiga reer Brazil ayuu qorshuhu yahay inuu dib ugu soo laabto magaaladiisii hore iyo waliba garoonkii uu sifiican ugu soo caan baxay ee Anfield dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Garoonka Anfield ayaa marti galin doona kulan saaxiibtinimo oo u dhexeeya xulalka Brazil iyo Croatia 3-da June, kaas oo ay isugu diyaarinayaan koobka adduunka.

Kulankaas ayaana fursad fiican u ah taageerayaasha Liverpool si ay sifiican ugu sagootiyaan laacibkoodii hore oo 5-sano iyo bar ku qaatay Reds ka hor intii uusan u dhaqaaqin Barcelona.

Philippe Coutinho ayaa u ciyaaray Liverpool xiliciyaareed kaan 20-kulan, wuxuuna u dhaliyay 12-gool tartamada oo dhan.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR