Dhamaan kooxaha Premier League ee ciyaaraya Champions League isbuucaan waxa ay dheelayaan kulankooda shanaad ee horyaalka maanta. Iyadoo maanta oo Sabti ah la ciyaarayo todobo kulan oo ka mid ah 10ka kulan ee todobaadkan.

Kulanka ugu soo horeeya ee isbuucaan waxaa duhurnimada waqtiga geeska Afrika ee 2:30pm ciyaari doona kooxaha Liverpool iyo Newcastle United kuwaasoo ku dheelaya garoonka Anfield.

Kooxda Jurgen Klopp hogaanka ayay u hayaan Premier League ka dib markii ay soo badiyeen afartii kulan ee la ciyaaray ilaa iyo haatan, waxaana ay isku dayayaan maanta inay badiyaan kulankoodii shanaad ee isku xiga ee xilli ciyaareedkan iyo kulankoodii 14aad ee isku xiga ee Premier League.

Reds waxaa dhaawac kaga maqan kulanka maanta goolhaye Alisson oo la filayo inuu garoomada ku soo noqdo bartamaha bisha Oktoobar iyo xiddiga khadka dhexe Naby Kieta kaasoo isna la filayo inuu soo laabto ka dib kulanka ay Talaadada la ciyaarayaan Napoli ee Champions League.

Firmino ayay macquul tahay in la nasasiiyo kulanka maanta madaama uu safar waqti dheer ah soo galay ka dib markii uu xulka Brazil isbuucaan labo kulan ugu soo ciyaaray dalka Mareykanka.

Sean Longstaff ayaa ka maqan Newcastle iyadoo xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo uu tababarka ku dhaawacmay.

Matt Ritchie, Allan Saint-Maximin, Andy Carroll, Dwight Gayle, DeAndre Yedlin iyo Florian Lejeune  ayaa iyagana ka maqan tababare Steve Bruce.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-3-3): Adrian; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Wijnaldum, Fabinho; Salah, Origi, Mane

Newcastle (3-4-3): Dubravka; Dummett, Lascelles, Schar; Willems, Shelvey, Hayden, Krafth; Almiron, Joelinton, Atsu

Kulan kale oo xiiso leh waxa uu ka dhacayaa garoonka Old Trafford maanta oo Sabtida saacada Geeska Afrika marka ay tahay 5pm iyadoo Manchester United ay soo dhaweyn doonto kooxda Leicester City.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu wadada guusha ku soo laabto ka dib barbarihii ugu danbeeyay ee ay la galeen kooxda Southampton, laakiin waxaa dhaawac uga maqan xiddigo muhiim ah.

Paul Pogba iyo Anthonay Martial ayaa seegaya kulanka maanta, halka sidoo kale uu dhaawac ku maqan yahay Luke Shaw. Aaron Wan-Bisska ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa halka Jessi Lingard uu xumad ka soo kabsaday.

Leicester City wax dhaawac cusub ah ma qabto ka dib kulamadii caalamiga ee la ciyaaray iyadoo ciyaartoyda ay u soo laabteen iyagoo taam ah.

Matty James ayaa ah xiddiga kaliya ee ka dhaawacay kooxda Dawacooyinka lagu naaneeso ka dib qaliin lagu sameeyay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United (4-2-3-1): De Gea; Young, Maguire, Lindelof, Rojo; McTominay, Matic; Greenwood, Mata, James; Rashford

Leicester City (4-4-2): Schmeichel; Chilwell, Soyuncu, Evans, Pereira; Barnes, Tielemans, Ndidi, Maddison; Perez, Vardy

Kulan kale oo la ciyaarayo galabnimada Sabtida saacada geeska Afrika marka ay tahay 5pm waa kulanka ay Chelsea booqaneyso kooxda Wolves kaasoo noqon doona kulan aad u adag.

Tababare Frank Lampard ayaa doonaya inuu kooxdiisa wadada guusha ku soo celiyo ka dib barbarihii ay Sheff United la galeen kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka.

Garoonka Molineux ayaa u dabaaldegaya sannadguuradii 130aad waxaana ay kooxda Wolves ay dooneysaa inay gaarto guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Daafaca kooxda Chelsea Antonio Rudiger ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay ee Blues ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah.

Pedro ayaa isna soo laabtay ka dib hal kulan uu dhaawac muruqa ah ku maqnaa, laakiin N’Golo Kante ayaa weli dhaawac canqowga ah ku maqan, halka Emerson uu ku soo dhaawacmay waajibaadka qaranka ee xulka Talyaaniga.

Mateo Kovacic ayaa taam ah inkastoo dhaawac ahaan looga reebay xulka qarankiisa Croatia.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Wolves (3-5-2): Rui Patricio; Bennett, Coady, Vallejo; Traore, Neves, Jonny, Dendoncker, Moutinho; Jimenez, Jota

Chelsea (4-3-3): Arrizabalaga; Alonso, Christensen, Rudiger, Azpilicuta; Jorginho, Kovacic, Mount; Pulisic, Abraham, Pedro

Caawa fiidkii saacada geeska Afrika marka ay tahay 7:30pm kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City waxa ay wajaheysaa kooxda xilli ciyaareedkan ku cusub horyaalka ee Norwich City.

Manchester City waxa ay tabi doontaa daafaca Aymeric Laporte kaasoo garoomada ka maqnaanaya muddo lix bilood ah.

Daafaca oo qaliin looga sameeyay jilibka ka dib dhaawacii ka soo gaaray kulankii Brighton ayaa waxaa bedeli doona John Stones halka weeraryahan Gabriel Jesus uu taam yahay ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muurqa ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Norwich City: Krul; Aarons, Godfrey, Hanley, Lewis; Amadou, Leitner; Buendia, Stiepermann, Cantwell; Pukki

Man City: Ederson; Walker, Otamendi, Fernandinho, Zinchenko; De Bruyne, Rodri, David Silva; Bernardo Silva, Aguero, Sterling

Kulamada Maanta La Ciyaarayo Ee Premier League:

Liverpool vs Newcastle United – 2:30pm Saacada Geeska Afrika

Brighton vs Burnley – 5pm

Man United vs Leicester City – 5pm

Sheff United vs Southampton -5pm

Tottenham vs Crystal Place – 5pm

Wolves vs Chelsea -5pm

Norwich City vs Manchester City – 7:30pm

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR