Kulankan ayaa ah mid kale oo ay doonayso kooxda macallin Sarri in ay guul kale gaarto sinay u joogteeso bandhigeedan wacan ee ku bilaabatay ololahan.

Chelsea oo guulaysatay dhammaan kulamadii ay ka ciyaartay Premier League ayaa asbuucan kanhortagi doonta Cardiff City.

Haddaba halkan ayaan kuugu soo gudbin doonnaa xaqiiqooyin kusaabsan kulankan.

Todobaadka 5-aad EPL: Chelsea Vs Cardiff Sabti 15 Sep, 5:00 galabnimo xiliga geeska Afrika).

Pedro ayaa isku diyaarinayo inuu kulankiisa 100-aad EPL cayaaro waxaana xusid mudan 3-gool inuu dhaliyay 4-kulan ugu dambeesay EPL marka shabaqa inuu soo taabto u badi.

Pedro xili cayaareedkii hore 26-kulan uu cayaaray EPL wuxuu dhaliyay 3-gool halka xili cayaareedkan 3-gool afar kulan ku dhaliyay waa sameynta Sarri-ball.

Chelsea 3-kulan ee ugu dambeesay Cardiff la cayaartay dhamaan tartamada kala duwan wey guuleesaneesay.

Sadaashada kulankan:
Chelsea 3-0 Cardiff (BBC)
Chelsea 3-0 Cardiff (WhoScorred)
Chelsea 2-0 Cardiff (Gool.Net).

QALINKII: USTAAD ZAKARIE ABDI.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR