Manchester United ayaa doonaysa in ay kabaxdo jahwareerka ka haysta EPL maadama ay 3-dhibcood ka heleen 3-dii kulan ee u danbaysay.

Kooxda Mourinho ayaa asbuucii lasoo dhaafay 2-0 ku martay Burnley ciyaar uu xidiga sare ka ahaa Romelu Lukaku oo 2-jeer shabaqa gaaray.

Halka Wattford ay xilli ciyaareedkan lasoo baxday qaab ciyaareed cajiib iyaga oo guul gaaray dhammaan afartii kulan ay ololaha ka ciayareen Premier League.

Haddaba halkan ka aqriso xaqiiqooyin kusaasan kulankan.

Todobaadka 5-aad EPL: Watforf Vs Man United Sabti 15 Sep, 7:30 fiidnimo xiliga geeska Afrika).

Lukaku haddii uu kulankan gool dhaliyo 20-gool EPL United u dhaliyo 39-kulan ayay ku qaadanee waxaana ka wanaagsan taariikhda EPL United ahaan Van Nistelrooy 20-gool iyo 26-kulan, Van Pierse 20-gool iyo 32-kulan, Yorke 20-gool iyo 34-kulan.

Man United 11ka mid ah 12-kulan ugu dambeesay dhamaan tartamada kala duwan wajaheen Watford wey guuleesteen.

Watford afarta kulan EPL xili cayaareed cayaareen wey guuleesteen.

Sadaashada kulankan:
Watford 0-2 Man United (BBC)
Watford 2-2 Man United (WhoScorred)
Watford 2-1 Man United (Gool.Net).

QALINKII: USTAAD ZAKARIE ABDI.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR