Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa xalay guul xarago leh ka gaadhay dhigeeda Real Madrid kulan ka dhacay Parc des Princes oo ay 3-0 ku guuleysteen xiddigihii tababare Thomas Tuchel.

Kulankaas ayaa ahaa mid aysan xiddigaha tababare Zinadine Zidane muujinin wixii ay ka sugayeen jamaahiirta kooxdooda ee ddiyaarka u ahaa ka maydhashada xilli ciyaareedkii hore iyo ku naaloonta qaab ciyaareed cusub oo wacan.

Angel Di Maria ayaa laba gool xilli horeba ku kala dhantaalay Los Blancos kahor inta uusan daafaca ree Belgium ee Thomas Meunier natiijada mid ceeb ah oo 3-0 ah ka dhigin dhammaadkii kulanka.

Haddaba, Kulankaas ayaa noqday mid taariikh tobban sano kahor ku dhacday soo xasuusiyay jamaahiirta Real Madrid waxaana uu kulanku noqday markii ugu horreysay ee kulan Champions League ah oo ay marti yihiin 3 gool iyo wax ka badan oo jawaab la’aan ah lagaga soo badiyo mudo tobban sano ah.

Dhacdadan ayaa ah mid ay hore kooxda ree England ee Liverpool ugu samaysay dhigeeda Madrid iyagoo 10-kii bishii March 2009 ay ahayd markii ay guuldarro 4-0 ah kala soo laabteen gegida Anfield oo ay booqdeen.

Dhinaca kale goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtoisoo eedayn balaadhan kula kulmay qaab ciyaareedkiisii kulankii xalay ayaa amaanay Di Maria kaddib labadiisii gool.

Courtois ayaa yidhi “”Goolkii koowaad isagu (Di Maria) xaqiiqdii birta horteeda waxa uu uga soo laagay si xoogan manaan haysan wakhti aan gacantayda ku hor dhigo goolka labaadna waxa uu kaliya ahaa mid cajiib ah oo diilinta 18-ka yaar ka baxsan”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR