Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ka war heshay in kooxda Paris Saint-Germain ay xiiseynayso weeraryahankeeda Ousmane Dembele.

PSG ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabaan 21-jirkan, ka dib markii uu xirmay suuqa horyaalka English Premier League-ga isla markaasna ay Arsenal ku hungowday saxiixiisa.

ESPN ayaa werrineysa in naadiga Barcelona aysan xagaagan iibin doonin laacibka reer France xittaa haddii naadiga reer France ay dalab qaali ah soo bandhigto.

Blaugrana ayaa xagaagii hore kala soo saxiixatay Dembele kooxda Borussia Dortmund si uu beddel ugu noqdo Neymar Jr oo ay PSG qiimo rikoor ah ku qaadatay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR