Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta xabsiga u taxaabeen Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxay Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood ka soo xireen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Boosaaso, oo ku dhow Hotel Bulsho.

Ciidamada Booliska ayaa waxay ninkaasi ku xireen mid ka mid ah xarumaha laamaha amniga ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabo ayaa wuxuu ku biirayaa shanta Nabadoon ee maalmihii la soo dhaafay lagu xiray Magaalada Boosaaso iyo Siyaasiga Muuse Cali Jaamac.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay dhammaadkii toddobaadkii hore ay Magaalada Boosaaso ku yeesheen kulan ay ku dhaliileen Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Odayaasha ayaa waxay ka horyimaadeen heshiiska ay Puntland la gashay Shirkadda DP iyo heshiiska kale ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso loogu wareejiyay shirkad kale oo laga leeyahay Emirate-ka Carabta.

Maamulka Puntland, kan Gobolka Bari iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu soo xiray Nabadoon Baydhabood oo noqonayo Nabadoonkii lixaad oo toddobaadkan lagu xiro Magaalada Boosaaso.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR