Qaar ka mid ah Odayaashii Dhaqanka ee saxiixay Maamulka Galmudug ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Odayaashan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay duleedka Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay soo dhawayntoodu ka qayb qaateen Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug.

Odayaashan ayaa waxaa loo gelbiyay halkii ay Dowladda Federaalka u qorsheysay in ay ka dejiso Magaalada Dhuusamareeb. Odayaashan ayaa waxay ka qayb qaadan doonaan soo xulista Xildhibaanada cusub.

Xubno ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay ka dhawaajiyeen inay ka shaqaynayan, sidii la isugu soo dhawayn lahaa Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Galmudug.

Odayaashan ayaa waxay sheegeen inay la kulmi doonaan Madaxda Ahlu Sunada Galmudug, isla-markaana ay door muuqdo ka cayaari doonaan, sidii labada dhinac la isugu soo dhawayn lahaa.

Masuuliyiinta Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay ka goys adeegayan in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, iyagoo ku andacoonaya inaanay dowladdu fulin qodobadii ay ku yeesheen billo ka hor.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR