Halyayga kooxda AS Roma ee Francesco Totti ayaa si qalbi jab ah uga sheekeeyay sida murugada leh ee ay ku soo dhamaatay daacadnimadii 30 sano ku dhawaadka ahayd ee u soo hayay kooxdii uu waayihiisa ciyaareed u hibeeyay ee Roma.

Francesco Totti oo 42 sano jir ah ayaa waayihiisii ciyaareed oo dhan ku soo qaatay kooxda Roma wuxuuna ciyaaraha ka fadhiistay July 2017 kii laakiin kadib waxa uu xil muhiim ah ka qabtay kooxda uu ciyaaraha kaga fadhiistay.

Madax waynaha kooxda Roma ee James Pallotta iyo Francesco Totti ayuu soo kala dhex galay khilaaf sabab u noqday in Totti uu iska casilay shaqadii uu ka hayay Roma.

Francesco Totti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay shaqadii madaxa fulinta kooxdii uu waayihiisa ciyaareed oo dhan ku soo qaatay laakiin waxa uu cadeeyay in ay u dareen dhaami lahayd in uu geeriyood wixii uu la soo kulmay.

Francesco Totti ayaa yidhi: “Anigu waxaan iska casilay fulintii, waxaan rajaynayay in ayna maalintani waligeed iman, maalintan foosha xun ee culus ayaa timid”.

Halyay Francesco Totti ayaa soo bandhigay murugada uu ka qaaday shaqadii uu kooxda Roma ka soo hayay ee aan waxba loo ogolaan in uu qabto wuxuuna yidhi: “Anigu marnaba maan helin fursada aan ugu shaqeeyo goobta farsamada Roma. Tani waxay ka sii liidataa ka hawl gabistii ciyaartoynimo. Ka bixitaanka Roma waa sidii dhimashada, waxaan dareemayaa in ay ka dareen fiicnaan lahayd haddii aan dhiman lahaa!!”.

Francesco Totti ayaa eedayn u soo jeediyay mulkiilayaasha Maraykanka ah ee AS Roma iyo gaar ahaan Franco Baldini oo la taliye ah wuxuuna yidhi: “Kooxdani waa kooxdii aan jeclaa ee aan taageerayay, ma aha in ay jiraan kuwii Totti ka horeeyay, kuwii Pallotta ka horeeyay ama kuwii Baldini ka horeeyay, kaliya waa taageerayaasha Roma”.

Francesco Totti oo cadho hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan sheegay in madax waynuhu tago, tababarayaashu tagayaan, ciyaartoydu tagayaan laakiin calanka iyo astaantu ayna tagayn. Way ogaayeen ujeedadayda iyo waxa aan doonayay, in aan kooxdan wax badan siiyo, laakiin marnaba iyagu ilamay doonin in aan sameeyo, daacad ahaantii, go’aan kastaba way iga reebeen!”.

Francesco Totti oo ka hadlaya go’aankii Daniele de Rossi oo 35 sano jir ah looga diray Roma kadib 18 sanadood oo uu kooxda joogay ayaa yidhi: “Diirada ugu wayni waxay haysataa dad gaar ah si looga xayuubiyo Roma, dhamaadkii, xaqiiqdii ayaa soo baxday, sababtoo ah wixii ay doonayeen ayay gaadheen”.

Francesco Totti ayaa ka soo abxay akadamiyada kooxda Roma sanadkii 1989 kii wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad uu saftay 1993 kii waxa uu kooxda u soo ciyaaray 785 kulan isaga oo soo dhaliyay 307 gool laakiin qaabkii ugu xumaa ee ugu murugada badnayd ayuu kooxdan kaga baxay.

Si kastaba ha ahaatee, daacadnimadii uu Francesco Totti u soo hayay kooxda Roma ayaa loogu abaal guday in uu geeri ka doortay xaalada uu hadda ku sugan yahay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR