Qarax gaari ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska gaarigiisa Qaraxa loogu xiray.

Sarkaalka Gaarigiisa qaraxa loogu xiray ayaa wuxuu ka tirsan yahay qaybta dambi baarista Ciidamada Booliska Somaliya.

Gaariga uu watay sarkaalkaan ayaa wuxuu yaalay agagaarka Hotelka Mubaarak & Daarta Banaadir Plaza ee ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa sheegay qaraxaasi inuusan wax khasaare ah gaysan, kadib markii shaqsiga gaariga loogu xiray uu arkay Qaraxa.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa halkaasi waxa ay ka sameeyeen baaritaano ku saabsan dhanka ammaanka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR