Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Pual Pogba ayaa maanta miino ku dhex qarxiyay kooxdiisa kadib markii uu si lama filaan ah u cadeeyay in waxa uu doonayaa yahay tartan cusub oo meel kale ah.

Hadalka Pual Pogba ayaa hor dhac u ah shaqo joojin uu diyaarsaday haddii laga hor joogsado in uu xagaagan ku biiro Real Madrid laakiin taageerayaasha Manchester United ayaa cadho wayn ka muujiyay qaabkii uu Pogba saxaafada uga hadlay.

Jamaahiirta Man United ayaa baraha bulshada gaar ahaan barta twitterka waxay ku soo bandhigeen sida ay uga cadhaysan yihiin dalabka uu Pogba ku shaaciyay in uu tartan cusub meel kale ka raadsan doono.

Kalmada dhextaalka u ahayd hadalka uu Pogba saxaafada u mariyay maamulka kooxdiisa Man United ayaa ahayd: “Anigu tan ayaan ka fikirayaa: ‘waxaan doonayaa in aan meel kale tartan cusub ku yeesho”.

Luuqada uu Pual Pogba ku hadlay waxay la mid tahay isla qaabkii uu Eden Hazard u doonayay inuu maamulka Chelsea culays ugu saaray in Madrid loo ogolaado waana qorshe la fahansan yahay in maamulka Madrid uu ku lug leeyahay si ay wada xaajood ugu qasbnaan Man United.

Iyada oo ayna suurtogal ahayn in la soo koobi karo fariimaha cadhada badan xambaarsan ee ay jamaahiirta United kaga falceliyeen hadalka Pogba, haddana qaar ka mid ah ayaanu halkan idiinku soo turjunay.

Taageere ka cadhaysan hadalkii Pogba ayaa soo qoray: “Sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan ha loo iibiyo isaga, ma haysan karno kan. Anagu waxaanu nahay Man United, ma jiro ciyaartoy ay waajib ku tahay in uu kooxda wax u yeedhiyaa. Isagu kuma haboonaa in uu xidho kabaha Keane iyo robson”.

Taageere kale oo Manchester United ah oo isna ka xanaaqsan hadalkii uu Pogba saxaafada mariyay ee uu bixitaankiisa ku shaaciyay ayaa soo qoray: “Manchester United ayaa ka wayn ciyaartoy kastaba, waa in ay taasi idinka dhaadhacdo”.

Taageere kale ayaa isna soo qoray: “Mar kale ayaa ixtiraam daro loo muujiyay kooxdan oo ay ciyaartoy iyo wakiiladoodu u muujiiyeen,Kooxdu waxay u baahan tahay in ay qimahaas kooxda marka hore soo celiso kadib ay hore u socoto oo ay dib u qaloociso kuwa aan doonayn”.

“Waxaynu u baahanahay in aynu ka takhalusno Pogba, Mararka qaar waxa uu la kulmay sidii uu inaga asxaan inoo samaynayay, waxaan ka door bidi lahaa in aan haysto ciyaartoy inoo ciyaarta inaga,  oo aan ahayn qashinkan garoonka ka baxsan”. ayuu taageere kale isna soo qoray.

Taageere kale ayaa kooxdiisa talo u soo jeediyay wuxuuna soo qoray: “Ka takhalusa Pogba… lacagta qaata kuna maamulka Manchester United”.

Aan ku soo koobno taageere soo qoray: “Pogba oo baxaya ma aha dhamaadkii aduunyada. Waxaan aragnay ciyaartoy aad uga fiican oo baxay, kaliya soo iibsada ciyaartoyda ku haboon oo leh maskaxda saxda ah”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR