Arsenal ayaa si xoogan ku bilaabtay tartanka kooxaha Yurub ee Europa League waxayna Gunners guul wayn oo 3-0 ah ka soo gaadhay Eintracht Frankfurt iyada oo ay wiilasha Unai Emery qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Arsenal iyo Eintracht Frankfurt iyada oo aanu halkan ku eegi doono xidigihii sida khaaska ah isku muujiyay.

XIDIGII GAROONKA: Da’yarka Bukayo Saka ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu furtay akownkiisa gool dhalinta Gunners balse uu ku lug yeeshay dhamaan saddexdii gool ee ay Arsenal dhalisay.

Bukayo Saka waxa uu sameeyay laba gool caawin halka uu dhaliyay gool qurux badan wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoydii uu sida wayn ugu faa’iiday Unai Emery.

Waxa kale oo kulankii  Eintracht Frankfurt isku muujiyay isla markaana xidigii garoonka isna noqon lahaa J. Willock oo ahaa xidigii Arsenal goolkii furitaanka u dhaliyay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Arsenal iyo Eintracht Frankfurt.

Arsenal XI: Martinez 8, Chambers 7 , Mustafi 6 , David Luiz 6, Kolasinac 6, Granit Xhaka 7 , Lucas Torreira 6 , Willock 8 , Bukayo Saka 8 ,Smith Rowe 6 ,Aubameyang 7

Badalkii: Pepe 6, Ceballos 6,  Maitland­ Niles 5

Eintracht Frankfurt XI: Trapp 7; Abraham 6, Hasebe 6, Hinteregger 6; Da Costa 6, Kamada 6, Sow 6, Kohr 5, Kostic 7; Dost 6 (Paciencia, 67), Silva 6.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR