Liverpool ayaa sare u sii qaatay habeenada taariikhiga ah ee ay ku leedahay tartanka UEFA Champions league kadib markii ay Allianz Arena ku reebtay kooxda Bayern Munich oo waliba garoonkeeda rekoodh waqti dheer ah ku soo haysatay.

Liverpool ayaa soo gaba gabaysay rajadii Bayern Munich ee UEFA Champions league kaas oo ay siddeed dhamaadkiisa u soo baxaysay tan iyo wixii ka danbeeyay xili ciyaareedkii  2010-11 laakiin wiilasha Jurgen Klopp ayaa wacdaro layaableh soo dhigay.

Sadio Mane ayaa laba gool dhaliyay halka Virgil Van Dijk uu Reds u saxiixay goolkii labaad oo muhiimad khaas ah u lahaa laakiin Joel Matip ayaa noqday xidigii afraad oo kaliya ee Liverpool u soo ciyaaray kaas oo tartanka UEFA Champions league goolal iskaga dhaliay waxaana uga horeeyay Sami Hyypia (2007), John Arne Riise (2008) iyo James Milner (2018).

Dhibaatadii uu Joel Matip kula kulmi lahaa goolka uu iska dhaliyay waxaa ka asturay joog dheere Virgil Van Dijk oo goolka labaad Liverpool hogaanka ugu soo celiyay halka Mane uu ahaa xidiga dilay rajadii Bayern Munich.

Haddaba qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood oo aanu halkan idiinku soo gudbinayno ayaa sharaxaad ka bixinaysa sidii ay ciyaartoyda labada kooxood u kala fiicnaayeen.

XIDIGII GAROONKA: Sadio Mane ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu sameeyay qaab ciyaareed cajiib ah iyo waliba dhamaystir fiican wuxuuna goolkii furitaanka ku dhaliyay qaab muujinaya tayadiisa sare halka goolkii saddexaad uu ahaa mid madax ah oo uu Hummels ku garaacay.

Sadio Mane ayaa heer kale u qaaday gool dhalintiisa Liverpool isaga oo waliba boqolkiiba 69% yeeshay goolashii ay Liverpool ka soo dhalisay wareegyada bug baxa ee UEFA Champions league.

Marka laga yimaado Sadio Mane waxaa bandhig cajiib ah sameeyay Van Dijk kaas oo muujiyay in uu yahay deganaanta, ruuxda iyo aragtida difaaca Liverpool wuxuuna cagaha dhulka ugu hayay Joel Matip uu yara did sanaa isla markaana mararka qaar hawada ka yara baxayay.

Jordan Henderson oo xili horeba dhaawac ku baxay ayaan qiimayn fiican kulankan ka helin laakiin xidigii booskiisa buuxiyay ee Fabinho ayaa qiimayn fiican helay maadaama oo uu wax badan ku soo kordhiyay khadka dhexe ee Liverpool.

Djinaca Bayern Munich waxay la kulmeen fashil wayn waxaana ugu qiimayn liita Hummels oo sabab u ahaa labadii gool ee Van Dij iyo Mane ee qaybtii labaad halka goolhaye Neueer, Rafinha, Sule, Thiago, Ribery, James iyo Lewy ay dhamaan qiimayn liidata heleen.

Halkan kaga bogo Qiimaynta kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich:

Bayern Munich: Neuer (5), Rafinha (5), Sule (5), Hummels (4), Alaba (6), Thiago (5), Martinez (6), Ribery (5), Rodriguez (5), Gnabry (6), Lewandowski (5)

Badalkii: Coman (5), Goretzka (5), Sanches (5)

Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (7), Matip (7), Van Dijk (8), Robertson (7), Milner (7), Wijnaldum (7), Henderson (5), Mane (8), Firmino (6), Salah (6)

Badalkii: Fabinho (7), Lallana (5), Origi (5)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR