Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa si aan wax gabasho ahi ku jirin u qirtay in ciyaartoyda kooxdiisa joogta iska dhaafe xataa xiddigaha ay lasoo wareegi doonaan aysan buuxin doonin marnaba kabihii uu siibay Cristiano Ronaldo oo kooxda ka tagay.


Ronaldo ayaa ka baxay Los Blancos suuqa xagaagii 2018 waxaana uu markaas heshiis 112 Milyan euros ah uGu wareegay dhinaca kooxda Juventus oo iyadu haatan guranaysa midhihiisa.

Xilli ciyaareedkan ayay Real u muuqataa mid dareemaysa booska uu baneeyay 34 jirkan ree Portugal iyaga oo u muuqda kuwo gabi ahaanba macasalaameeyay dhammaan tartamadii ay ku jireen.


Dhinaca kale kooxda uu u wareegay ee Juve ayaa kaliya hal kulan u jirta hanashada horyaalka waxaana intaa u dheer inay fursad fiican u haystaan wareega afar dhammaadka Champions League.

Zidane oo ka hadlaya bixitaankii Ronaldo ayaa waxkasta oo qirasho ah sameeyay isaga oo intaas ku daray inuu ka daalay ka hadalka wararka la xidhiidha xiddigaas.


Zizou ayaa yidhi “Xaalada Cristiano lama bedeli karo, Isagu wuu tagay waxaananu keeni karnaa kuwo kale mana samayn doonaan si lamid ah waxa uu sameeyay, Taasi waa nolosha, Waxa uu kooxdan usoo sameeyay waxyaabo waaweyn waananu ku faraxsanayn”

“Haatan waa wakhti ka duwan, Waan ka daalay ka hadalka wax lamid ah arrinkaas, Anagu Kuma guuleysanayno wax (Koob ah), Waxaanu isku dayi doonaa inaanu ku dhammaysano kaalinta labaad xilli ciyaareedkan”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR