Barcelona ayaa u muuqata mid haatan qoddobo adag iyo shuruudo ku ciqaabaysa xiddigii kooxdeeda ka baxay xilli suuqii 2017 ee Neymar kaas oo haatan qayb ka ah Paris Saint-Germain balse aan farxad badan ku haysan caasimada France.

Neymar ayaa xagaagii 2017 noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta isaga oo sidoo kale mushahar aad u badan ku helay PSG balse sida laga soo xigtay wargeyska Sport haatan waxa uu ka qoomamaynayaa go’aankaas uu qaatay.

Iyadoo ay Barcelona kamid tahay kooxaha haatan lala xidhiidhinayo inay la saxeexdaan Neymar, Ayaysan maamulka sarre ee kooxdaasi wada qabin aragtida dib loogu soo celinayo Camp Nou.

Shaqsiyaadka ugu xoogan isla markaana sumcada ku dhex leh kooxdaas go’aanadoodana la tix gelin karo ayay kamid yihiin Lionel Messi iyo Luis Suarez oo asxaab dhow la ah Neymar waana laba shaqsi oo la aaminsan yahay inay kooxda ka dalbadeen keenista xiddigan.

Haatan, Wararka ayaa sheegaya in Barcelona oo shuruudo adag ku xidhay soo laabashada xiddigan ay doonayso inay siiso mushahar 14 Milyan ka hooseeya midka uu haatan ka qaato Paris.

PSG ayaa 27 jirkan mushahar ahaan sanadkii u siisa lacag dhan £32 Milyan balse kooxda ree Spain ayaa kaliya u damaanad qaadi karta 18 Milyan oo ah intii uu qaadanayay kahor intii uusan iyaga ka dhaqaaqin.

Neymar ayaa wali asxaab dhaw la ah xiddiga weerarka kooxdiisii hore ee Suarez iyo Messi kuwaas oo ay wali sheeko wadaag ku yihiin qol WhatsApp ah waxaana la aaminsan yahay inay kawada hadleen sidii Neymar markale maaliyada Barca loogu xidhi lahaa.

Ugu dambayn, Sport ayaa sidoo kale dhawaan laga soo xigtay in Neymar uu maamulka sarre ee Paris Saint-Germain u sheegay inuusan markale matali doonin kooxdooda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR