Daafacii hore Barcelona Rafa Marquez ayaa taageerayaasha kubadda cagta la wadaagay sheeko xerada tababarka ku dhexmartay isaga iyo Lionel Messi, waxeyna aheyd markii laga soo dallacsiiyay akadeemiga La Masia, arintaan waxey kusoo aaday xilli maalmo yar laga joogo markii ugu horreysay uu xiddiga reer Argentina kulan rasmi ah matalo Balaugrana.

Kabtankii hore qaranka Mexico oo markaas ka tirsanaa ciyaartoydii ugu miisaanka cusleyd ee Barcelona ayaa qiray in Pep Guardiola uu soo dhexgalay markii ay murmeen isaga iyo Lionel Messi.

Rafael wuxuu ka dhawaajiyay in Messi uu jeclaa kaliya inuu ciyaartoyda u gooyo, waana marka uu damcay inuu ku qeyliyo maadaama ay isku koox ahaayeen subaxaas tababarka la sameynaayay.

“Waxey aheyd ciyaar loo kalabaxay 7 iyo 7, Leo Messi wuxuu ka tirsanaa kooxdeyda” ayuu yiri Marquez oo la hadlayay Fox Sports.

“Wuxuu kubadda la dhaafay hal ciyaariyahan, mid labaad iyo mid saddexaad, wuu soo laabtay, mar kale ayuu hadana sidii oo kale ku sameeyay”

“Kubadda uma ogoleyn iney ilbriqsi ka fogaato”

“ilaa aan ku qeyliyo, waxaana ku iri – “Horay u soco”

“Wuu xanaqay, wuxuuna bilaabay inuu anaga nagu qeyliyo, kadib waan muranay ilaa uu Pep Guardiola nasoo dhexgalo una sheego isaga (Messi) inuu is dajiyo”

“Guardiola si toos ah ayuu Messi u abaaray sababtoo ah waan kaga miisaan cuslaa kooxda, waana ka khibrad badnaa isaga maadaama uu Messi aad u yaraa”

Dhinaca kale Rafael Marquez wuxuu qiray inuu markhaati u ahaa tallaabadii ugu horreysay uu Lionel Messi qaaday kaas oo hadda lagu tiriyo dadka ugu wanaagsan ee soo maray kubadda cagta.

“Qolka labiska ayaan durba ka maqalnay magaca Lionel Messi” ayuu yiri Rafael.

“Waxaan maqalnay inuu soo dhibaateeyay Barcelona B, isla markaana uu yahay Diego Maradona-ha cusub”

“Waxey aheyd wax aan caadi aheyn inaan arko isagoo sidaas dhaw u hormaray”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR