Dad badan ayaa rumeysan in Neymar, Cavani iyo Mbappe ay yihiin halista ugu badan oo ay Real Madrid wajaheyso marka ay la ciyaareyso Habeen dambe kooxda PSG, kulan Champions League ka tirsan.

Laakiin, Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain ee Mariano Rajoy ma ahan mid dadka ku raacsan Fikradaas, wuxuuna qabaa inay jiraan ciyaaryahanno kale, kuwaasoo ay tahay in Madrid ay aad uga taxadirto.

Mar la weydiiyay xidigaha ay halista ugu badan kala kulmi karto Real mar ay la dheeleyso PSG, ayuu ku jawaabay: “Ciyaartoyda fiic-fiican, sida Di María, Verratti, Rabiot iyo wiilka reer Spain ee Lo Celso.

“Dadka waxay diiradda saarayaan saddex ciyaarahano, laakiin waxaa jira kuwa kale, oo ka khatarsan, waxaana kulanka PSG iyo Real uu yahay mid xiiso gooni ah leh,” ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul Wasaaha dalka Spain.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Kulanka waxaan hubnaa dhamaanteena inuu noqon doono mid dagaal adag dhexmara ciyaartoyda labadda kooxood, marka waan arki sida uu noqdo iyo waxa uu kusoo dhamaado.

Sikastaba, ciyaartaan adag ee udhaxeysa kooxaha Real Madrid, oo dalka Spain, ka dhisan iyo PSG, oo Faransiiska ah ayaa dhici doonta Habeenka Arbacadda oo ay soo galeyso Khamiista, iyadoona lugta hore ay ka dhici doonta gurida Madrid.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR