Ra,iisul Wasaarihii hore Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa soo jeediyay in wada hadal dowladda Somaliya ay la gasho Ururka Al Shabaab.

Cabdi Faarax Shirdoon oo Wareysi bixiyay ayaa sheegay dowladda Somaliya looga fadhiyo laba arrin midkood inay ka timaado si looga taqaluso Ururka Al Shabaab.

Waa midda koowaad dowladda inay keento xal Militari oo adag si loogu wajaho Shabaab oo caqabado badan ay ka yimaadaan Dowladda Somaliya & Ciidamada Amisom dagaal kula jirta.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale sheegay haddii aanan la hayn xal Militari wada hadal rasmi ah in Shabaab lala furo.

“Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari  waayay, waxaana fiican in laga guuleysto, nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo ayuu yiri” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Dagaal socda muddo ku dhaw 11-Sano ayaa looga adkaan la,yahay Ururka Al Shabaab oo Somaliya ka dagaalama, mana jirto dowlad si rasmi ah isugu hawshay inay wada hadal dhab ah la galaan Ururka Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR