Barcelona ayaa xili ciyaareedkan ku riyoonaysa in ay soo celiso taariikh ay laba jeer oo hore soo samaysay waxayna doonayaan in ay kuwada guulaystaan saddexda koob ee ay u tartamayaan oo ay mid kastaba meel fiican kaga jiraan, laakiin rajadan waxaa lagu go’aamin karaan 10 maalmood gudahood taas oo wax badan laga ogaan karo.

Barcelona waxay hadda joogtaa finalka Copa Del Rey oo ay xili ciyaareedkii shanaad oo xidhiidh ah u sharaxan tahay in ay ku guulaysato waxaana dariiqa u taagan kooxda Valencia waxayna Barca hadda awooday in ay 7 dhibcood ku hayso hogaaminta La liga halka ay siddeed dhamaadka Champions league kula ciyaari doonto Man United.

Laakiin muddada u dhexaysa April 6 ilaa April 16 oo ah toban maalmood gudahood waxaa lagu ogaan doonaa haddii ay jiri karto rajada saddexda koob ee Barcelona markaas oo ay kooxda Valverde wajihi doonto kooxaha Atletico Madrid iyo Mancheser United.

Rajada Barcelona ee saddexda koob waxay marka hore ku xidhnaan doonaan saddexda kulan ee ay Atletico Madrid iyo Man United kula ciyaari doonaan La Liga iyo Champions leauge iyada oo mudda u dhexaysa April 6 ilaa April 16 saddex jeer la ciyaari doonta kooxahan waana laba kulan oo Man United ah iyo hal kulan oo Atletico Madrid ah.

Haddii ay Barcelona awoodo in ay soo dhaafto Man United isla markaana ayna guuldaro kala kulmin Atletico Madrid waxaa la aamini karaa in ay talaabo kale oo aad u dhaw u qaadayaan riyadooda ah in ay saddexda koob ku guulaysan karaan.

Finalka Copa Del Rey waxa uu haddaba ku taariikhaysan yahay May 25,2019 wuxuuna ka dhici doonaa garoonka kooxda Real Betis laakiin wali rajada saddexda koob ee Barcelona ayaa marka hore ku xidhnaan doonta sida ay ku sii adkaystaan 7 dhibcood ee ay Atletico Madrid ka sareeyaan iyo qaabka ay Man United ku soo dhaafi doonaan.

Baracelona ayaa Arbacada, April 10,2019, waxay Old Trafford ku booqan doontaa Man United  halka Talaadada, April 16,2019 ay Camp Nou ku soo dhawayn doonto kooxda Solskjaer waxayna hadda kooxda Valverde isku diyaarin doontaa waqti aad u adag iyada oo waliba Ousmane Dembele uu muddo bil ah dhaawac ku maqnaan doono.

Ernesto Valverde ayaa isha ku hayn doona horumarka Ousmane Dembele kaas oo saamayn wayn xili ciyaareedkan ku soo yeeshay kooxdiisa Barcelona oo uu 14 gool u soo dhaliyay waxayna hadda warbaahinta Spain qorayaan in riyada saddexda koob ee Barcelona ay ku xidhan yihiin kulamada saddexda ah ee Atletico Madrid iyo Man United.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in wali uu jiro dariiq dheer oo ay tahay in ay Barcelona marti haddii ay saddexda koob doonayso maadaama oo ay wali hadhsan yihiin kulamo kale oo aad u adkaan karaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR