Boqolaal dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa buux dhaafiyay Banaank hore ee Hoolka Sahal oo ay ka dhaceyso kulan diimeedka uu Shiikh Kenyaawi u qabanaayo Shacabka Caasimadda.

Hoolka oo aad u yar ayaa buuxsamay waqtigii hore ee galabta waxaana banaanka ku xayirmay boqolaal dhalinyaro oo kulanka sheekha u yimi balse, buuq iyo sawaxan ayaa banaanka ka dhashay .

Rasaas ayaa la maqlaya wararka qaarna waxa ay sheegayan in Seddex Ruux ay Dhaawacmeen kuwaasi oo xarumaha caafimaadka loola cararay.

Mashquul daran ayaa ka jira KM4 taasi ciriiri galisay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka Gobolka Banaadir wax qorsho ah uma aysan diyaarin kulan diimeedka Shiikh kenyaawi oo horayba loo sii ogaa in Kumanaan Ruux ay ka soo qeyb galayan hoolka lagu qabanaayana uusan dadka wada qaadi karin.

0

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR