Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska xiddigaha kooxdeeda ee u safraya dalka Maraykanka iyaga oo halkaas kaga soo qayb qaadan doono kulamadooda xilli ciyaareedka ka horreeya ee is diyaarinta.

Hadal hanta ugu weyn ee liiskan xiddigaha ah ayaa ah maqnaanshaha kabtanka Gunners ee kabtan Laurent Kosceilny kaas oo sida ay maanta kooxdu xaqiijisay diiday inuu u raaco safarkaas.

Kosceilny ayaa sababta diidmadaas uu samaynayo loo arkaa mid uu ku doonayo in kooxdu ay iska fasaxdo isaga oo xiiso ka helaya qaar kamida kooxaha dalkiisa France.

Liiskan oo ka kooban 29 ciyaartoy ayuu tababare Unai Emery ku darsaday Mesut Ozil oo uu mustaqbalkiisa kooxda shaki weyni ku jiro.

Ozil ayaa la sheegay inuusan kalsooni buuxda ka haysan tababare Emery isla markaana ay kooxdu doonayso inay dirto maadaama oo uu mushahar badan ka qaato balse caqabadu ay tahay inaysan wax kooxo ahi soo dalban.

Liiska Xiddigaha Arsenal Ee U Safray Marakyanka.

Goolhayayasha: Leno, Martinez, Macey

Daafacyada: Bellerin, Jenkinson, Chambers, Sokratis, Mustafi, Holding, Mavropanos, Medley, Monreal, Kolasinac, Thompson,

Khadadka Dhexe: Maitland-Niles, Willock, Xhaka, Mkhitaryan, Ozil, Nelson, Smith Rowe, Olayinka, Burton

Weeraryahanada Martinelli, Saka, Aubameyang, Lacazette, Nketiah, John-Jules

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR