(Barcelona) 08 Nof 2018. Kooxda Barelona ayaa website-keeda rasmiga ah ku shaacisay heerka dhaawaca laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho iyo mudada uu garoomada ka maqnaan doono,

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil ayaa dhaawac dhanka muruqa boowdada ah kasoo gaaray intii uu socday kulankii Inter Milan ee Talaadadi lasoo dhaafay ay ku wada ciyaareen Champions League.

Kooxda Barcelona ayaa war rasmi ah ay kasoo saartay dhaawaca Philippe Coutinho waxay ku sheegtay:

“kadib baaritaanadii caafimaad uu maray Philippe Coutinho ayaa waxay xaqiijiyeen inuu jiro dhaawac yar ee dhanka muruqa ah, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan 2 ilaa iyo 3 isbuuc ah”

Coutinho ayaa seegi doono kulanka soo aadan ee Axada ay kula ciyaari doonaan kooxda Real Betis horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxaa intaas sii dheer in sidoo kale uu jiro  shaki ku aadan inuu qeyb ka noqon karo kulanka Atletico Madrid ee 24-ka bishan November iyo sidoo kale kulamada caalamiga ah uu ciyaari doono xulka Brazil.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR