Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay mudada uu xiddiga
Ousmane Dembélé Ka maqnaan doono garoomada iyo waliba nooca dhaawacii soo
gaadhay xiddiga kulankii Lyon.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu Ousmane Dembélé maray
baadhitaan saaka oo khamiis ah waxana uu xiddiga dhaawac ka soo gaadhay muruqa
lugta bidix.

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu iddiga
reer France garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexaysa 3 ilaa 4 todobaad.

Ousmane Dembélé ayaa dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay
Barcelona 5/1 uga badisay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa champions League kadib
markii uu badal ku soo galay 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.

Xiddiga ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee tartanka
champions League halka uu guud ahaan dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan xilli
ciyaareedkan.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR