Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray kulamadii 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo ay mar kale ka soo bexeen tartanka lama filaano waaweyn oo aan la filayn.

Kooxda Ajax ayaa mar kale mucjiso dhigtay tartankana ka reebtay kooxdii sida weyn loogu saadaalinayay tartanka ee Juventus iyaga oo iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka champions League.

Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaan iyagu wax dhibaato ah dareemin kulamadoodii iyaga oo is fudud isaga xaadiriyay Semi-finalka tartanka champions League kadib markii ay ka kala badiyeen Man United iyo Fc Porto.

Kooxda Tottenham ayaa dhankeeda samaysay mujiso kadib markii ay Man City kaga oohisay kuna reebtay garoonkeeda Etihad kadib xeer ay ku reebtay kooxda ay martida u ahayd.

Haatan Semi-finalka champions League ayaa dhamaystirmay iyada oo la ogaaday kooxaha wada ciyaari Doona iyo waliba wakhtiga la ciyaari doono kadib markii al dhamaystiray kulamadii 8 dhamaadka.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta Barcelona halka Ay Tottenham la ciyaari doonto kooxda Ajax kadib markii la dhamaystiray labadii lugood ee 8 dhamaadka champions League.

Halkan Hoose Kaga Bogo wakhtiga la ciyaari doono Semi-finalka champions league:

30 Bisha April:

Barcelona Vs Liverpool (Camp Nou).

Tottenham Vs Ajax (Tottenham Hotspur Stadium)

7 Bisha May

Ajax Vs Tottenham (Johan Cruijff Arena)

Liverpool Vs Barcelona (Anfield)

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR