(London) 19 Sebt 2019. Ciyaaryahan Callum Hudson-Odoi ayaa heshiis cusub oo shan sanadood ah qalinka ugu duugay kooxda Chelsea, kaasoo uu todobaadkii ku qaadan doono mushahar dhan 180,000 oo gini.

Heshiiskan ayaa soo gabagabeeyey muddo bilooyin ah oo la isla dhexmarayey mustaqbalka xiddigan garabka uga dheela xulka England ee 18-sano jirka ah.

Bishii Janaayo Hudson-Odoi ayaa u gudbiyey kooxdiisa codsi bixitaan ah kaddib markii ay Chelsea iska diiday dalab ku kacayey 35 milyan oo gini oo kaga yimid naadiga Bayern Munich.

Xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa sidoo kale heshiisyo cusub kooxda Blues u saxiixay tan iyo markii Lampard uu shaqada tababarenimo kala wareegay Sarri.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR