(Man City) 16 Maajo 2018. Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa si rasmi ah loogu magacaabay inuu yahay macalinka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedka 2017/2018.

Website-ka rasmiga ah ee horyaalka Premier League ayaa lagu shaaciyay in Pep Guardiola uu ku guuleystay abaalmarinta tababaraha xilli ciyaareedka, isagoo ku garaacay dhowr macalin kale ee ka xamaasha England.

Manchester City uu hogaaminayo macalinkeeda reer Spain ee Pep Guardiola, ayaa ku guuleysatay horyaalnimada Premier League, kadib xili ciyaareed cajiib ay qadatay kooxda Sky Blues.

Manchester City ayaa ku dhameysatay booska kaalinta koowaad ee Premier League iyadoo leh 100 dhibcood, taasoo ka dhigan in 50 dhibcoo ay ku shaqeesatay garoonkeeda halka 50-ka kale ay sidoo kale ku heshay kulamada banaanka. waxaana ay dhaliyeen 106 gool.

Pep Guardiola ayaa wuxuu abaal marintan ku garaacay dhowr tababare kale ay ugu muhiimsan yihiin Jose Mourinho iyo macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR