Xalay ayuu si rasmi ah usoo dhammaaday wareegii Group-yada ee tartanka Copa America waxaana si rasmi ah u dhammaystirmay liiska siddeeda xul qaran ee u gudbay wareega xiga ee siddeed dhammaadka.

Siddeeda xul ee tartankan kusoo baxay wareegiisa siddeeda ayaa kala ah Brazil oo marti gelinaya koobka, Paraguay, Argentina, Venezuela, Colombia, Chile, Uruguay iyo Peru.

Saddexda xul qaran ee kala ah Brazil, Colombia iyo Uruguay ayaa iyagu kusoo baxay boosaska koowaad ee Group-yada halka Argentina, Venezuela iyo Chile ay kusoo baxeen labaad iyadoo labada xul ee Paraguay iyo Peru ay kusoo baxeen kaalmaha saddexaad.

Isku Aadka Tartanka Copa America Ee Wareegyada Siddeed Dhammaadka, Afar Dhammaadka Ilaa Final-ka.

Wareega siddeed dhammaadka ayay haatan ku kulmi doonaan kulanka ugu horreeya Brazil iyo Paraguay oo taariikh ahaan ciyaari doona 27-ka bishan.

Maalinta xigta ee 28-ka bishan June ayay dhici doonaan laba kulan oo kala dhex mari doona Argentina iyo Venezuela iyo waliba Colombia iyo Chile oo isagu ah kulanka ugu xoogan ee isku aadkan kasoo baxay.

Kulanka ugu dambeeya ee wareegan ayaa qabsoomi doona 29-ka bishan waxaana fooda is dari doona xulka Uruguay iyo xulka Peru.

Wareega afar dhammaadka ayaa isaguna noqon doono mid sida loosoo kala baxo ka dhex curta, Brazil iyo Paraguay midka soo baxa ayaa ku aadi doona Argentina iyo Venezuela midka soo baxa taas oo la micno ah Argentina iyo Brazil oo kulankooda la sugi la’yahay uu meesha ka dhalan karo.

Dhinaca kale labada xul qaran ee kulanka adag ku balansan ee Chile iyo Colombia ayaa midkooda soo roonaada uu wareega xiga kula kulmi doonaa guuleystaha kulanka Uruguay iyo Peru.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR