(Milan) 09 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa si rasmi ah macallinkeeda cusub ugu magacaabatay hoggaamiyihii hore ee Fiorentina, Inter iyo Lazio, Stefano Pioli.

Tababare Stefano Pioli ayaa kooxda AC Milan u saxiixay heshiis labo sanadood ah.

“AC Milan waxa ay ku dhawaaqaysaa magacaabista, iyadoo si dhaqso ah saameyn ugu leh Mr Stefano Pioli inuu noqdo macallinka cusub ee kooxda koowaad” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay kooxda.

“Waxa uu October 1965 ku dhashay Parma, Stefano Pioli ayaa xirfaddiisa macallinnimo bilaabay 1999-kii, qibraddiisii macallinnimo ee Serie A waxa ay ahayd Parma sanadkii 2006, kaddibna waxa uu soo maamulay dhowr kooxood oo kale oo horyaalka Serie A ah sida Chievo Verona, Palermo, Bologna, Lazio iyo Inter Milan, ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin Fiorentina sanadkii 2017-kii, Stefano Pioli hadda waxa uu ku soo biiray AC Milan waxaana uu la galay heshiis labo sanadood ah.”

“Kooxdu waxa ay u rajaynaysaa Stefano iyo shaqaalihiisa tababarka sida ugu fiican shaqadooda.”

Tababare Pioli ayaa shaqada ka bedelay macallin Marco Giampaolo kaasoo Talaadadii shaqada laga cayriyey kaddib kaliya 111 maalmood uu ku sugnaa Rossoneri.

53-sano jirkaan ayaa ah nin lagu ixtiraamo kubadda cagta Talyaaniga kaddib markii uu soo maamulay kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Parma, Chievo, Bologna, Lazio, Inter iyo Fiorentina.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR