Maamulka horyaalka premier league ayaa soo bandhigay kubbada lagu ciyaari doono xili ciyaareedka cusub ee 2019/20 taas oo ah nooc khaas ah oo aan aduunka kale meelna laga heli karin.

Maamulka Premier League iyo shirkada qalabka sportska soo saarta ee Nike ayaa udabaal degaya sanad guuradii 20 aad ee ka soo wareegtay waqtigii ay wada shaqaynta bilaabeen, waxayna shirkada Nike soo saartay nooc kubbad khaas ah oo lagu ciyaari doono xili ciyaareedka cusub ee Premier league.

Technologyada ayaa caawinaysa kubbada cagta waxaana xiliba, xiliga ka danbeeya la soo saarayaa kubbado aad ugu haboon ku ciyaarista waxaana xili ciyaareedkii soo dhamaaday ee Premier league la diwaan galiyay rekoodhkii gool dhalinta abid ugu badnaa oo ahaa 1,072 kun oo gool.

Laakiin maamulka Premier league ayaa balan qaaday in xili ciyaareedka cusub la filan karo in xataa rekoodhkan cusub ee la soo dhigay lagu jabin doono kubbada casriga ah ee ay hadda ku dhawaaqeen in xili ciyaareedka cusub ee 2019/20 lagu ciyaari doono.

Kubbada xili ciyaareedka cusub ee Premier league lagu ciyaari doonaa waxaa magaceeda loo yaqaan ‘Nike Merlin ball” waana nooc khaas ah oo ay shirkada Nike u soo saartay Premier league taas oo aan aduunka kale laga heli karin.

Nooca, nashqada iyo walxaha ay ka samaysan tahay kubbada Merlin ball ayaa ka dhigtay mid khaas ah oo ciyaartoyda premier leagueka caawin doonta in ay si raaxo leh oo aan hore loo arag ugu ciyaari karaan.

Kubbada Nike Merlin ball waxay dukaamada Nike diyaar ku noqon doontaa July 4 markaas oo ay kooxaha premier leauge fursad u heli karaan in ay lugta sii taabsiiyaan.

Kooxaha Liverpool iyo Norwcih City ayaa noqon doona labada kooxood ee marka ugu horaysa isku taaban doona kubbada khaaska ah ee Nike Merlin ball oo xili ciyaareedka cusub lagu furi doono jumcaha, Agusut 9.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR