Majalaada caanka ah ee Forbes oo si wayn loogu ixtiraamo arimaha dhaqaalaha isla markaana looga bartay daraasado iyo qiimayn ay si joogto ah u saaraan ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 10  ka ciyaartoy ee Sportska kala duwan ee caalamka ugu mushaarka badan 2019.

Noocyada kala duwan ee ciyaaraha caalamka ayaa noqday kuwo mushaar waali ah lagu bixiyo waxaana sababta ugu wayn ka ah dakhliga waalida ah ee laga helo xuquuqda baahinta iyo shirkadaha ay ciyaartoydu kula jiraan qandaraasyada ganacsi.

Lionel Messi ayaa markii ugu horaysay waxa uu kaalinta kowaad ka galay ciyaartoyga ugu mushaarka badan Sportska caalamka iyada oo majalada caanka ah ee Forbes ay soo bandhigtay in Messi uu sanadkan helay 127 milyan yuro.

Si aan hore looga baran qiimaynta Forbes waxaa kaalinta kowaad, labaad iyo saddexaad isku darsaday kubbada cagta iyada oo Sportskii kale ee baryihii hore kaalinta kowaad laga qaadi kari waayay ay hadda kaalinta afraad iyo wixii ka danbeeya isku haystaan.

Lionel Messi ayaa 92 milyan dollar waxa uu u helay mushaar ahaan halka 35 milyan dollar kale uu ka helay heshiisyada xayiinada uu sameeyay.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad kaga jira qiimaynta Forbes ee ciyaartoyda Sportska caalamka ugu dakhliga badan sanadkan 2019 waxaana Ronaldo loo diwaan galiyay 109 milyan dollar.

Ronaldo ayaa 65 milyan mushaar ahaan u helay halka 44 milyan dollar kale uu ka helay shirkadaha uu xaysiinada u sameeyo waana xidiga labaad ee aduunka ugu dakhliga badan sanadkan 2019.

Neymar Jr ayaa kaalinta saddexaad ugu jira 105 milyan dollar iyada oo feedhyahanka reer Mexico ee Canelo Alvarez ayaa noqday kan afraad ee sportska caalamka ugu dakhliga badan sanadkan 2019 isaga oo lagu diwaan galiyay in uu urursaday 94 milyan dollar.

Halkan Kaga Bogo Liiska 10 Shaqsi Ee Sportska Caalamka ugu Dakhliga Badan Sanadkan 2019:

1-Lionel Messi- Kubbada Cagta= 127 milyan dollar

2- Cristiano Ronaldo – Kubbada Cagta= 109 milyan dollar

3- Neymar jr – Kubbada Cagta= 105 milyan dollar

4- Canelo Alvarez- Feedhka = 94 milyan dollar

5-Roger Federer- Tenis-ka = 93.4 milyan dollar

6-Russell Wilson-NFL = 89.5 milyan dollar

7-Aaron Rodgers -NFL = 89.3 milyan dollar

8-LeBron James- NBA = 89 milyan dollar

9- Stephen Curry – NBA = 79.8 milyan dollar

10- Kevin Durant- NBA = 65.4 milyan dollar

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR