Kadib markii la sameeyay isku kaadka UEFA Champions league ee siddeed dhamaadka waxaa kadib la jeexay dariiqa loo marayo finalka tartankan ee lagu qaban doono magaalada caasimada Madrid ee dalka Spain, wuxuuna dariiqani si rasmi ah u shaaciyay in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayna isku arki doonin wareegyada finalka UCL ka horeeya.

Laakiin labada xidig ee kubbada cagta ugu saamaynta badan ayaa la siiyay dariiq ay iskugu iman karaan finalka UEFA Champions leauge ee Madrid taas oo haddii ay dhacdo noqon doonta markii ugu horaysay ee final tartanka Champions League ah isku waji karaan.

Barcelona waxaa lagu aadiyay kooxda Manchester United laakiin haddii ay Barca soo gudubto waxay afar dhamaadka UEFA Champions League la ciyaari doontaa midkii soo baxa kooxaha Liverpool iyo FC Porto midkoodii soo baxa.

Dhinaca kale Juventus waxaa siddeed dhamaadka UEFA Champions league lagu aadiyay kooxda Ajax waxayna taasi la micno tahay in haddii ay Juventus u soo gudubto afar dhamaadka Champions league in ay la ciyaari doonto midkii soo baxa Man City iyo Tottenham.

Sidaa daraadeed, Juventus iyo Barcelona iskuma arki karaan wareega afar dhamaadka taas oo si rasmi ah ukala badbaadisay in Messi iyo Ronaldo ay wareega xidiga isku arki karaan, laakiin haddii ay Barcelona iyo Juventus u soo baxaan finalka Champions League markaas waxaa la daawan doonaa finalkii Champions leauge ee abid ugu xamaasada badnaa.

Waxaana iskaga hor iman kara Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo muddo toban sanadood ah halka ugu saraysa ee kubbada cagta aduunka ku soo tartamayay, waxaana la filan karaa in ay suurtogal wayn noqon karto.

Dariiqa ay Ronaldo Iyo Juventus U Soo Mari Karaan Finalka Champions league:

Ajax vs Juventus Man City/Tottenham= Finalka Champions league

Barcelona vs Man United Liverpool/FC Porto= Finalka Champions league

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR