Goolhayaha xulka qaranka Argentina iyo kooxda Manchester Unired Sergio Romero ayaa la sheegayaa in uu Afar sanno oo hashiis cusub ah usaxiixay kooxdiisa United.

30 jirkaan ayaa kooxda Manchester United ku biiray sanadkii 2015kii , laakiin kaliya 18 kulan ayuu usaftay kooxda xilli ciyaareedkii dhammaaday, iyadoo 12 kulan ay ahaayeen tartanka Europe league.

Romero ayaa wali waxa uu ka hoos ciyaarayaa goolhaye David De Gea, inkastoo xiddiga xulka qaranka Argentina goolka uqabta loo gacan geliyay hashiis cusub oo dhacaya ilaa sanadka 2021ka.

Romero oo la hadlaayay websitega kooxdiisa ayaa yiri” aad ayaan ugu faraxsanahay inaan hashiis cusub usaxiixo mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn aduunka, waxaana sidoo kale haysanaa goolhayayaal wanaagsan oo had iyo jeer wax cusub aan ka baran karo “

“dabcan waxa ay ii tahay wax aan aad ugu farxo aniga iyo qoyskeeyga inaa qeyb ka ahaano kooxda ku guulaysatay koobka Europe League, waxa aana rajeynayaa in aan caawin doono kooxda si ay ugu guulaysato koobab xili ciyaareedka soo aadan ee 2017-2018ka.

Dhinaca kale Jose Mourinho ayaa ka hadlay qandaraaska uu saxiixay Romero, waxa uuna Yiri ”Sergio waa goolhaye weyn oo xirfadle ah dhabtii wax wanaagsan ayuu qabtay xilli ciyaareedkii hore qaasan waxa uu inaga caawiyay inaan ku guulaysano Koobka Europe League, waana mid uqalmay in hashiiskaan lagu abaalmariyo ” ayuu yiri Mourinho.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR