Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba
heshiis la gaadhay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga maalmo kadib
markii uu Zinedine Zidane dib ugu soo laabtay kooxda.

Real Madrid ayaa la sheegaya in ay kooxda FC Porto kala
heshiisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Eder Militao kaas oo ay
ogolaadeen in ay ka bixiyaan 50 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararka ka
imanaya Brazil.

21 jirka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan
ilaa markii uu xagaagii hore 4 milyan ugu soo biiray kooxda FC Porto isaga oo
sii jiitay xiisaga kooxo badan oo reer yurub ah.

Laakiin sida laga soo xigtay Globo, Militao ayaa noqon
doona xiddiga ugu horeeya ee Real Madrid ee xagaaga kadib markii ay kooxda reer
Spain ogolaatay in ay bixiyaan lacagta 50 milyan ee lagu bur-burinayo
heshiiskiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga reer Brazil
ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis 6 sano ah isaga oo tijaabada
caafimaadka u mari doona kooxda maalinta Isniinta dambe.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR