Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa da’yarka ree Japan ee Takefusa Kubo oo lagu naanayso Messi-ga Japan isla markaana hore usoo matalay kooxda ay Madrid xifaaltamaan ee Barcelona.

Da’yarkan ayaa kaga yimid Madrid dhinaca kooxda FC Tokyo waxaana uu xilli ciyaareedka dambe qayb ka ahaan doonaa kooxda da’yarta ee ‘Castilla’ sida ay shaacisay kooxdu.

Sidoo kale Real Madrid ayaa qoraal ay ku shaacisay Website-keeda rasmiga ah ku shaacisay in Kubo oo ah saxeexeeda cusub uu yahay mid kamida da’yarta ugu musaqbalka wanaagsan dunida.

Real ayaa saxeexa 18 jirkan kaga guuleysatay kooxda Barcelona, Wariye Samuel Marsden ayaana xusaya in kooxda ree Catalonia ay isku diyaarinaysay inay dib ula soo saxeexato xiddigan kasoo qaybta ahaa da’yarteeda.

Takefusa Kubo ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee xulka Japan soo ciyaaray toddobaadkii hore kulan saaxiibtinimo oo ay lasoo ciyaareen dalka El Salvador isagoo sidoo kale kamida liiska xulkiisa ee Copa America ciyaaraya.

Dabcan marka aad daawato Kubo oo dheelaya ayaad si fudud ku fahmi kartaa sababta loogu naanaysay Messi-ga Japan waxaana uu sida kabtanka Barcelona qaab cajiib ah ugu dheelaa lugta bidix.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska AS ayaa sidoo kale sheegaya in Barcelona aysan ahayn kooxda kaliya ee saxeexan looga guuleystay balse ay sidoo kale Takefusa isha ku hayeen kooxaha kala ah Manchester City, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR