Kadib markii la soo gaba gabeeyay kulamadii ugu danbeeyay ee wareegii 16ka kooxood waxay UEFA qiimayn kadib soo saartay shaxda kooxdii ugu fiicnayd todobaadka ee tartanka UEFA Champions league, waxayna shaxdani ku salaysan tahay 11 kii xidig ee ugu bandhiga fiicnaa kulamadii xalay iyo habeen hore ee Champions league.

UEFA ayaa shaxda kooxda todobaadka ee Champions league ugu fiican ku salaysan ciyaaroyda dhibcaha ugu badan looga helo UEFA Champions League Fantasy waxaana shaxdan ka soo muuqday xidigihii wacdaraha ka soo dhigay kulamadii Champions league.

Goolhayaha kooxda Juventus ee Szczesny ayaa loo doortay shaxda kooxda todobaadka ee Champions league ugu fiican kadib markii uu shabaqa nadiif ah kala baxay kulankii Atletico Madrid  waxaana saddexda difaaca ah ee shaxdan ku soo baxay Virgil Van Dijk oo wacdaro ka soo dhigay kulankii Bayern Munich si la mid ah Gerard Pique oo Barcelona shaqa wayn u soo qabtay iyo difaaca Juventus ee Joao Cancelo.

Afarta khadka dhexe ee shaxda kooxda todobaadka UEFA Champions league ugu fiican waxaa ku soo wada baxay afar ciyaartoy oo Man City iyo Liverpool ka tirsan iyada oo waliba ay Sterling, Bernardo Silva iyo Leroy Sane oo man City ahi ay shaxdan khadka dhexe ugu wada jiraan waxaana ku wehelinaya Sadio Mane oo Bayern Munich soo quusiyay.

Saddexda weerarka waxaa ku soo wada baxay Cristiano Ronaldo oo saddexley ka dhaliyay kulankii Atletico Madrid, Lionel Messi oo laba gool ka dhaliyay isla markaana laba gool caawin ka sameeyay kulankii Lyon iyo waliba Sergio Aguero oo door wayn ku lahaa gumaadkii ay Man City u gaysatay kooxda Schalke.

Leroy Sane ayaa noqday xidiga dhibcaha ugu badan helay isaga oo haysta 17 dhibcood waxaana ku soo xiga Lionel Messi oo 17 dhibcood helay halka Ronaldo uu kaalinta saddexaad ugu jiro 14 dhibcood.

Halkan kaga bogo shaxda kooxda Todobaadka Champions league Ugu Fiican Ee Ay UEFA Soo Saartay:

Haddaba akhriste, miyay shaxdani tahay shaxda kooxdii ugu fiicnayd kulamadii Champions League mise waxaa jira ciyaartoy aad tabayso in ay u qalmeen shaxdan oo laga tagay?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR