Kadib kulamadii kowaad ee heerka guruubyada UEFA Champions League ee la ciyaaray talaadadii iyo arbacadii xalay, waxay UEFA soo saartay shaxda kooxdii ugu fiicnayd ee lagu saleeyay 11 kii ciyaartoy ee qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay.

Kooxda PSG oo kulankii ugu adkaa ee heerka guruubyada Champions League guul wayn ka gaadhay Real Madrid ayaa shaxda kooxda todobaadka ee UEFA ku dhawaaqday ku yeelatay saddex ciyaartoy.

Kooxaha Ajax, Man City, Barcelona iyo Salzburg ayaa dhamaantood ciyaartoy ku yeeshay shaxda kooxda todobaadka halka Real Madrid, Liverpool iyo Chelsea ayna hal ciyaartoy shaxdan ku yeelan.

Shaxda kooxda todobaadka Champions League ugu fiican waxaa goolka ugu jira Ter Stegen oo sabab dhab ah u noqday in Barcelona ay barbaro la soo gashay kooxda Borussia Dortmund oo isaga la’aantii guul wayn gaadhi lahayd.

Difaacyada kooxda Ajax ee Tagliafico iyo Alvarez ayaa bandhig wayn sameeyay waxayna qayb ka yihiin shaxda kooxda dodobaadka Champions League iyada oo aan De Ligt laga tabin kooxda Ajax.

Bernat iyo Thomas Meunier oo PSG wacdaro uga dhigay kulanki Real Madrid ayaa sidoo kale shaxdan ku soo baxay halka Ilkay Gundogan uu yahay xidiga Man City shaxdan ku matalaya.

Weerarka shaxdan waxaa hogaaminaya Angel Di Maria oo laba gool ka dhaliyay kulankii Real Madrid iyo da’yarkii taariikhda dhigay ee Halad oo saddexley goolal ah u saxiixay kooxda Salzburg.

Shaxda Kooxda Todobaadka Champions League Ugu Fiicnayd ee Ay UEFA Soo Saartay Oo Dhan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR