Waxa xalay si rasmi ah u dhammaystirmay siddeeda kooxood ee soo gaadhay wareega siddeed dhammaadka tartanka labaad ee ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee Europe League.

Kooxaha taageerada ugu badan haysta ee ilaa haatan tartanka ku xaadirka ah ayaa ah kooxaha ree London ee Chelsea iyo Arsenal balse waxa loolanka kula jira kooxo badan oo cadaadis ba’an saaraya.

Arsenal ayaa guul soo laabasho ah kaga soo baxday Rennes oo lugtii hore kasoo adkaatay halka Chelsea ay si raaxo leh ku dhaaftay Dynamo Kyiv oo ay 8-0 kaga guuleysteen goolasha wadar ahaaneed.

Vilarreal ayaa goolal wadar ahaaneed oo 5-2 ah kaga soo baxday kooxda Zenit halka ay Valencia sidoo kale soo dhaaftay Krasnodar oo ay dhammaadkii kulanka goolka ay kusoo gudbeen ka dhaliyeen.

Slavia Prague ayaa si cajiib ah kusoo dhaaftay Sevilla kulan wakhti dheeri ah loo baahday halka ay Napoli ku sigatay inay ku hadho kooxda Salzburg oo ay wadar ahaan kaga soo baxday 3-4.

Inter Milan oo kamid ahayd kooxaha waaweyn ee tartankan ku jira ayaa gegida San Siro guuldaro xanuun badan kagala kulantay kooxda Frankfurt waxaana ay sidaa kaga hadheen UEFA Europe League.

Ugu dambayn kooxda Benfica ayaa guul 3-0 ah ka gaadhay Dinamo Zagreb oo lugtii hore 1-0 kaga soo adkaatay waxaana ay sidaa ku buuxiyeen liiska siddeeda kooxood ee soo xaadiray.

Halkan Kaga Boggo Sawirka Siddeeda Kooxood Ee Wareega Quarter Final-ka EL Soo Gaadhay.

Si kastaba ha ahaatee, Isku aadka tartankan ayaa la samayn doonaa maanta waxaana si rasmi ah u kala caddaan doona kooxaha isku beegma iyadoo xataa labada kooxood ee wadan kawada socdaa ay isku aadi karaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR