Real Madrid ayaa xaqiijisay liiska ciyaartoyda ee ay berri oo Sabti ah kala hortagayaan kooxda Levante kulanka La Liga ee dhacaya garoonka Santiago Bernabeu.

Ka dib kulamadii heerka caalami taasoo u ogolaatay ciyaartoy qaar inay ka soo kabsadaan dhaawacyadii ay qabteen, tababare Zidane ayaa magacaabay liiska ciyaartoyda uu rajeynayo inay ku soo celiyaan wadada guusha berri oo Sabti ah.

Warka ugu weyn ee xiddigaha la magacaabay ayaa ah in lagu soo daray Eden Hazard, Luka Jovic iyo Rodrygo.

Xiddiga reer Belgium Hazard iyo xiddiga reer Brazil Rodrygo ayaa berri kulankoodii ugu horeysay ee tartan rasmi ah u ciyaari kara Los Blancos, inkastoo Rodrygo la filayo inuu kursiga keydka ku soo bilowdo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xiddig Liverpool U Dheela Oo Iska Diiday Markii Looga Yeeray Xulkiisa Qaranka & Sababta Oo La Ogaaday

Haddii tababare Zidane uu go’aansado inuusan isticmaalin xiddiga da’da yar markaas waxa uu diyaar u ahaan doonaa inuu u ciyaaro kooxda juunyeerka ee tababare Raul ee hogaamiyo ee ciyaareysa fiidkii.

Luka Jovic ayaa lagu soo daray ciyaartoyda berri ciyaareysa inkastoo uu dhaawac soo gaaray intii uu ku maqnaa xulka Serbia bilowgii isbuucaan.

Weeraryahanka ayaase tababar la qaatay kooxda inteeda kale waxaana la filayaa inuu ka garab ciyaaro Karim Benzema.

Markii ugu horeysay waxa ay weeraryahanada heli doonaan caawinta Hazard kaasoo la filayo inuu ku soo bilowdo kulanka berri ee Santiago Bernabeu.

Waxaa liiska la magacaabay ka maqan xiddigaha khadka dhexe Luka Modric, Valverde, iyo Isco kuwaasoo dhaawac ah iyadoo Los Blancos ay heysato kaliya seddex xiddig oo khadka dhexe ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Taageerayaasha Romania Oo Oorin Iyo Hees Isku Daray Daqiiqadii Loo Aamusay Gabadhii Dhawaan Ka Dhimatay Luis Enrique (Daawo Muuqaal)

XIDDIGAHA REAL MADRID EE KA HORTAGAYA LEVANTE:

Goolhaye: Courtois, Areola, Altube

Daafac: Carvajal, Militao, Sergio Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Mendy

Khad Dhexe: Kroos, Casemiro, James Rodriguez

Weerar: Hazard, Benzema, Lucas Vazquez, Jovic, Vinicuis Jr. Rodrygo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR