Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay qiimaha dhaqaale ee ay kooxaha Yurub ku tartami doonaan xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 ee lacagta ay ku heli doonaan tartanka xiisaha babadan ee UEFA Champions League.

Iyada oo markii horeba uu UEFA Champions league ahaa tartanka ugu xiisaha badan kubbada cagta caalamka, haddana qiimo kordhinta uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ku sameeyay ayaa xamaasadiisa cirka ku sii shareeri doonta.

Ciyaartoy kasta oo aduunka joogaa waxa uu ku riyoodaa in uu ka soo muuqdo Champions League waxayna koox kastaaba dagaal u gashaa in ay ka qayb gasho tartankan balse hadda dhaqaalaha lagu heli doonaa xaalada ayuu sii xoojin doonaa.

xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyay in xili ciyaareedka cusub ay filayaan in lacagta ka soo bixi doonta tartamada ay maamulaan ee Champions League, Europa League iyo UEFA Super Cup in ay tahay lacag ka badan  3 BILYAN YURO.

Kooxda koobka UEFA Champions league ku guulaysan doonta xili ciyaareedka cusub waxay heli kartaa lacag dhan 82.2  milyan yuro iyada oo ilaa 100 milyan yuro gaadhi karta.

Lacagtan ayaan hal meel lagu bixinayn waxaana jira waxyaabo kala duwan oo kooxaha lago badan lagu siin doono sida kulamada ay guulaystaan, wareegyada ay u soo baxaan iyo lacagta baahinta tooska ah ee TV-yada.

Koox kasta oo soo gaadhay ama soo gaadhi doonta heerka groupyada Champions league waxay si toos ah u heli doontaa 15 milyan yuro taas oo la micno ah in 26ka kooxood ee haddaba sida tooska ah ugu soo baxay heerka groupyada UCL in ay lacagtan meel ku hubsadeen.

Kulan kasta oo ay kooxi guul gaadho tartanka Champions leauge waxay heli doontaa 2.7 milyan yuro hadda waa kulankii kaliya ee ay guulaysataba!. Haddii ay kooxi barbaro gasho waxay heli doontaa 900,000 kun oo yuro.

Halkan kaga bogo Qaybo Ka Mid ah meelaha ay Kooxaha Yurub Lacagahan ku heli karaan

U Soo Bixitaanka Heerka Groupyada Champions leauge: 15 Milyan Yuro

U Soo bixitaanka Wareega 16ka Champions Leauge : 9.5 Milyan Yuro

U Soo Bixitaanka Wareega Siddeed dhamaadka UCL: 10.5 Milyan Yuro

U Soo Bixitaanka Wareega Afar  dhamaadka UCL: 12 Milyan Yuro

U Soo Bixitaanka Finalka UEFA Champions leauge: 15 Milyan Yuro

Ku Guulaysiga koobka UCL Oo kaliya: 4 Milyan Yuro

Laakiin lacagan ku ma jirto aduunka lacageed ee ay kooxaha Yurub ka heli doonaan xuquuqda baahinta tooska ah ee kulamada ay ciyaaraan iyo waliba lacagta ay ku helaan qiimaynta ay UEFA ka haystaan ee UEFA coefficient ranking.

Kooxiba kooxda ay ka qiimo sarayso ee ay haysato tirada badan ee UEFA coefficient ranking, waxay ku heli doontaa lacag ka badan kooxaha ay qiimayn ahaan kaga sarayso.

Dhamaan arimahani waxay xiiso wayn u abuurayaan tartamada ay UEFA maamusho iyada oo doonaysa in ayna kooxaha waa wayn ee Yurub ka fikirin arintii European Super League ee ay waqtiyo ka shireen madaxdoodu.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR