Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray 4-ta xiddig ee u tartami doona xiddiga ugu fiican todobaadka champions League kadib markii la ciyaaray kulamadii salaasada iyo Arabaca.

Waxa xalay la soo afjaray kulamadii 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo haatan 4 kooxood oo kaliya isugu soo hadheen tartanka.

Kooxda Liverpool ayaa si fudud u dhamaystirtay shaqadii ay bilowday lugtii hore iyaga oo 4/1 uga badiyay kooxda Fc Porto.

Tottenham ayaa laga badiyay laakiin iska xaadirisay 8 dhamaadka tartanka champions League 8 dhamaadka markii 2-aad ee taariikhdeeda.

Barcelona ayaa iyaduna si dhib yar isaga xaadirisay Semi-finalka tartanka champions League kadib markii ay garaacday kooxda Man United.

Ugu dambayn Ajax ayaa ka yaabsatay Juventus guul lama filaan ahna ka gaadhay kana reebtay tartanka champions League.

UEFA ayaa soo doortay 4 xiddig oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kuwaas oo u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan tartanka champions League.

Xiddigaha u tartamaya ayaalmarinta ayaa kala ah

✨ Matthijs de Ligt: Juventus v AJAX

✨ Leo Messi: BARCELONA v Man. United

✨ Heung-Min Son: Man. City v TOTTENHAM

✨ Roberto Firmino: Porto v LIVERPOOL

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR