Kadib markii xalay la soo gaba gabeeyay kulamadii wareega 16ka ee UEFA Champions league waxa uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA soo saaray musharixiinta ku tartami doona xidigii todobaadka ee tartanka UEFA Champions league ugu fiicnaa.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa sidii looga bartay cod ku go’aamin doono ciyaartoyga ku guulaysan doona xidigii todobaadka ee Champions league ugu fiicnaa laakiin waxaa adkaan doonta in magacyada waa wayn ee liiskan ku soo baxay laka xulan karo.

Afarta xidig ee ku soo baxay musharixiinta UEFA ee ciyaartoygii todobaadka Champions League ugu fiicnaa waa afar xidig oo wacdaro ka soo dhigay kulamadii todobaadkan iyada oo mid kastaaba uu haysto xog ku filan oo uu ugu guluaysan karo xidigii todobaadka ee Champions league ugu fiicnaa.

Cristiano Ronaldo oo saddex gool ku soo dhaliyay saddex bartilmaameed oo uu ka sameeyay kulankii Atletico Madrid ayaa liiskan ku soo baxay wuxuuna u sharaxan yahay in loo doorto xidigii todobaadka ee Champions league ugu fiicnaa.

Lionel Messi oo laba gool dhaliyay isla markaana laba gool oo kale caawintooda ka sameeyay kulankii Lyon ayaa isna liiskan ku soo baxay wuxuuna Ronaldo xidigaha liiskan ku soo baxay kula tartamayaa in uu xogtiisa kulankan ugu guulaysto xidigii todobaadka ee UCL ugu fiicnaa.

Sadio Mane oo laba gool ka dhaliyay kulankii Bayern Munich isla markaana boqolkiiba 70% dhamaystiray kubbad bixintii uu sameeyay ayaa ku soo baxay musharixiinta xidigii todobaadka ee Champions league ugu fiicnaa.

Xidiga kooxda Man City ee Leroy Sane oo burburiyay kooxda Schalke04 ayaa isna liiskan ugu soo baxay in uu 3 gool caawin ka sameeyay kulankan isla markaana uu hal gool dhaliyay taas oo la mid ah in ay Messi iskaga mid yihiin ku lug lahaanshaha afar gool.

Haddaba akhriste, Ronaldo, Messi, Mane iyo Sane midkee inta ugu badan u qalma xidigii todobaadka ee UEFA Champions League ugu fiicnaa? Miyaad doonaysaa in ay si rasmi ah codkaaga ugu go’aamin karto tartamayaashan?

Haddii ay jawaabtu haa tahay, waxaad si dhab ah uga codayn kartaa shabakada UEFA halkaas oo ay jamaahiirta caalamku ku go’aaminayaan midka afartan xidig noqon doona ciyaartoygii todobaadka ugu fiicnaa. Codee.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR