Isniintii la soo dhaafay kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadii kooxda kowaad ka caydhiyeen Santiago Solaro waxaana markale kooxda dib loogu soo celiyay Zinedine Zidane taas oo la micno ah in xili ciyaareedkan ay Real Madrid yeelatay 3 tababare oo kala duwan oo mid kastaaba uu qayb ka mid ah soo maamulayay.

Real Madrid ayaa dhaqan ka dhigatay in ayna wax dul qaad ah u yeelan tababarayaashii kooxdeeda soo maray iyada oo ay xataa ku jireen rag khibrada iyo waayo aragnimo badan lahaa isla markaana koobab muhiim ah kooxda ku soo hogaamiyay waxaana hadda lays waydiinayaa maxay yihiin siyaasadaha kala duwan ee Bernabeu iyo Camp Nou lagu kala maamulaa.

Real Madrid iyo Barcelona waxaa ka dhexeeya xifiltan wayn laakiin qaabka ay u wajahaan xaalada xun ayaa gabi ahaanba kala duwan iyada oo tababarihii ugu danbeeyay ee shaqada Barcelona laga caydhiyay uu ahaa mid ay 16 sanadood ka soo wareegtay.

Haddaba waxaanu warbixintan ku eegaynaa siyaasada kala duwan ee ay kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona kula dhaqmaan tababarayaasha kooxahooda maamula.

Aan ku bilawnee sanadkii 2003 ayay  ahayd markii ugu danbaysay ee ay Barcelona shaqada ka caydhisay tababare kooxdeeda ah wuxuuna ahaa Louis Van Gaal waxaana Barcelona markaas madax wayne u ahaa Joan Gaspart laakiin saddexdii madax wayne ee ka danbeeyay oo kala ahaa Joan Laporta, Sandro Rosell iyo Josep Maria Bartomeu ayaan hal tababare shaqada kooxdooda ka caydhin inkasta oo isbadalo dhinaca tababarayaasha ahi ay haddana soo jirtay.

Frank Rijkaard ayaa Barcelona ku soo qaatay muddo shan sanadood ah waana waqtigi uu Laporta madax waynaha ahaa wuxuuna Laporta go’aan ku gaadhay in uu Rijkaard taageero xataa markii ay Barcelona sida xun u dhibtoonaysay wuxuuna kalsoonidii ku helay in uu horumar kooxda ku sameeyay iyada oo ugu danbayn uu baxay sanadkii 2008 kii.

Kadib Pep Guardiola ayaa Barcelona ku soo qaatay muddadii uu isagu doonayay ilaa intii lag soo gaadhay xili ciyaareedkiisii afraad markaas oo uu go’aan ku gaadhay in uu kooxda iska casilo si uu tartan cusub u raadsado isaga oo Barca wax walba kula soo guulaystay.

Kadib markii uu Tito Vilanova uu geeriyooday waxaa kooxda loo magacaabay Tata Martino kaas oo ayna arimaha Barcelona si fiican ugu shaqayn wuxuuna ugu danbayn go’aan ku gaadhay in uu baxo kadib waxaa kooxda loo magacaabay Luis Enrique kaas oo waqti layaableh ku soo qaatay Camp Nou isla markaana saddexda koob u horseeday.

Laakiin Luis Enrique markii uu gaadhay heerkii uu doonayay waxa uu si xor ah iskaga casilay shaqada tababaranimo ee Barcelona waxaana kadib loo magacaabay Ernesto Valverde oo wali ah macalinka Camp Nou kaas oo dhawaan heshiis cusub saxiixay.

Laakiin waqtiga aan ka soo hadalnay waxay Real Madrid isku badashay 12 tababare kuwaas oo inta ugu badan shaqada laga caydhiyay markii ay ka soo bixi waayeen shuruudii loo dhigay waxayna taasi keentay in xaalado kala duwan oo adag ay Bernabeu soo wajaheen.

Muddadan saddex tababare oo Real Madrid soo maamulay ayaa ka badbaaday in shaqada laga caydhiyo waxayna kala ahaayeen Vicente Del Bosque, Jose Mourinho iyo Zinedine Zidane iyada oo labada tababare ee hore ay heshiis is afgrad ku baxeen halka Zidane uu bishii May 2018 shaqada iska casilay inkasta oo uu haddda mar kale soo laabtay.

Laga soo bilaabo 2003, waxay Real Madrid shaqada tababaranimo ee kooxdeeda ka caydhisay macalimiinta kala ahaa Carlos Quieroz, Mariano Garcia Remon, Vanderlei Luxemburgo, Fabio Capello, Bernd Schuster, Mauricio Pellegrini, Carlo Ancelotti, Rafa Benitez, Julen Lopetegui iyo Santiago Solari oo ugu danbeeyay waxaana shaqada ka caydhiyay  Florentino Perez iyo Roman Calderon.

Laakiin shaqo ka caydhin la’aanta tababarayaasha Barcelona waxay keentay in ay kalsooni badan shaqada ku hayaan maadaama oo ay inta badan xaaladaha adag taageero ka helaan maamulka sare waxayna taasi keentay deganaansho kooxeed oo guulo badan u horseeday.

Inkasta oo Real Madrid lafteedu ay guulo badan soo gaadhay waqtigan, haddana waxaa jiray waqtiyo aad u badan oo ay xaalada kooxdu noqotay qalalaase isla markaana ay saamayn ku yeelatay tartamo ay ku guulaysan kareen sida xili ciyaareedkan oo haddaba shaqada laga caydhiyay markii ay xalaadu ku xumaatay tababarayaashii Bernabeu soo maamulayay.

Si kastaba ha ahaatee, qaabka siyaasadeed ee ay looga dhaqmo Bernabeu iyo Camp Nou ayaa sabab u noqotay in ay labada koxood sidan u kala duwanaadaan iyada oo waliba ay saamaynta ugu wayn leeyihiin madax waynayaasha iyo boodhka labada kooxood.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR