Halyeeyga xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Robert Pires ayaa xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Paul Pogba siiyay talo ku saabsan mustaqbalkiisa oo ah mid haatan su’aali ka taagantahay.

Pogba ayaan qaab wacan kusoo jirin xilli ciyaareedkii dhammaaday waxaana uu ku bilawday qaab xun iyo bandhigyo liita isaga oo sidoo kale waayay xilkii kabtan ku xigeenimo ee kooxda oo uu Jose Mourinho ka qaaday.

Qaab ciyaareedka Pogba ayaa si weyn isku bedelay markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer bedelay Mourinho waxaana uu toddobadii ugu horreeyay ee waayaha Ole soo dhaliyay lix gool halka uu afar kalena caawiye ka ahaa.

Markale Paul ayaa kusoo laabtay hanaankii ciyaareed ee hooseeyay qaybihii dambe ee xilli ciyaareedka waxaana uu kaliya laba gool kasoo dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Si kastaba, Mustaqbalka xiddigan ayaa ah mid haatan muran ku jiro waxaana uu murankaasi heerkiisii ugu sarreeyay gaadhay markii uu shalay si cadaan ah u sheegay inuu doonayo bilaabista loolan cusub oo la micno ah koox cusub.

Image result for Robert Pires

Haatan, Pires oo aragtidiisa ka dhiibtay mustaqbalka Pogba iyo haddii ay tahay inuu ka tago Man United una dhaqaaqo kooxda sida weyn u doonaysa ee Real Madrid ayaa kula taliyay inuu iska sii joogo Old Trafford maadaama kooxdu lacago badan kusoo bixisay.

Robert Pires ayaa yidhi “Aragtidayda Pogba waa inuu yahay ciyaartoy weyn, Laakiin sidoo kale waan ogahay in xilli ciyaareedkii hore uu si gaar ahaaneed u ahaa mid ku adag isaga”

“Dad aad u badani waxay ka hadlaan suuqa kala iibsiga sababtoo ah Manchester United lacag badan ayay ku bixisay isaga sidaa darteed malaha taasi isaga waxay ku ahayd mid adag oo uu la tacaalo gaar ahaan bilawgii”

“Waxa ugu muhiimsan isaga waa inuu lasii wato Manchester United, Lacag badan ayay ku kharash gareeyeen isaga sidaa darteed waxaan aaminsanahay inay aad muhiim u tahay inuu joogo Manchester United”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR