Halyeeyga Kooxda Man United Ahna falanqeeyaha BT Sport ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka champion Leageu xilli ciyaareedkan kadib markii ay Man United iyo Juventus ka hadheen tartanka.

Khabiirka reer England ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay in ay kooxda Liveprool ku guulaysan doonto tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Porto lugtii hore ee 8 dhamaadka champions League iyaga oo ku aadi doona Barcelona Semi-finalka tartanka hadii ay caawa dhamaystiraan shaqada.

Inkasta oo uu Ferdinand daawaday Barcelona oo laba u kala jartay Man United kulan ka dhacay Camp Nou hadana Waxa uu kalsooni ka muujiyay in ay Liverpool haysato halis weerar oo ay ku garaaci karaan Barcelona marka ay kulmaan.

“Waxan u malaynayaa in uu Klopp eegi doono 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee kulankii Man United iyo Barcelona sababta oo ah hadii ay Mane, Salah iyo Firmino ka hor tagaan daafaca Barcelona waxa aan filayaa in ay farqi sameeyaan”ayuu u sheegay BT Sport.

“Waxan u malaynayaa in ay dhalin doonaan fursadahaas”.

“Waxan u malaynayaa in uu kulankaas ku fiican yahay Liverpool sababta oo ah hadii ay ciyaaraan weerar rogaal celis ah waxan u malaynayaa in ay dhibaato ku abuuri doonaan”.

“Laakiin waxa ay haystaan Messi, sida ay ugu diyaar garoobi doonaan ma garan doono”.

Ferdinand ayaa hadalkiisa sii raaciyay” Waxana u malaynayaa in ay koox England ah ku guulaysan doonto tartanka sanadkan”.

Gary Lineker ayaa sii cadaadiyay Ferdinand una sheegay in uu magacaabo kooxda ku guulaysan doonta waxana uu ku jawaabay” Waxana u Malaynayaa in ay Liverpool ku guulaysan doonto tartanka sanadkan”.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR